ORCID iD iconorcid.org/0000-0002-2014-4023
banner

Dharaaro Xusuustood

Dharaaro xusoostood.

Kani wuxuu ahaa buugii labaad ee aan daaqada usoo joogsaday dhagaysigiisa, waxay labaduba ka sinaayeen nooca ay yihiin oo waxay labaduba ahaayeen Taariikh nololeed, kan hore wuxuu ahaa mid uu qiray Diplomat Cawil. Kani wuxuu dheeraa, Gees wuxuu role model gudashada xilka wasiirnimo ee Somaliland.

Faysal Ali waraabe waxaan ka guntay, horena wuu u sheegee inaan dadka mutacilimiinta ah intaan muudsano aan hadhawna tuurno, waxy taasi ka dhigan tahay xaqdhawr la’aanta hogaamiyayaasha wadanku ku sifoobeen oo uu dhaqanku sabab u yahay sidii uu Gaarriyeba hore ugu sheegay bulshadeena inay ku sifaysan tahay “Aasi-og”, wuxu hadalka ku keenay xuska Diplomat Fagadhe oo ay isu fac ahaayeen Gees oo Daryeelkuu mudnaa aan la siin, isagoo u duur-xulaya Dawlada inuu Qoraagu yahay Mudane u qalma dheeraad.

Maxaa igu kalifay ?

Dharaaro xusoostood markaad jaldiga akhrisdo wuxuu kuugu muuqanayaa Dhacdo maalmeed la habeeyey qoraalo taxane ah, waana sida uu ula jeeday qoruhu marka uu sardinayay maqaaladiisa, waxaase kuusoo baxaysa wax ka mug wayn oo aanan anigu qof ahaan noociisa aanan ku akhriyin afkasoomaaliga marka laga eego dhawr qodob oo ay tahay midan ugu muhiimsani oo ah raadka ay dhacdooyinka maalinlaha ahi ku leeyihiin qorshayaasha fog ama mahadhooyinka mudada dheer:
1. Ma dheehan kartaa xidhiidhka ka dhexeeya tactikada iyo strategiga.
2. Sida loola shaqeeyo hogaamiye dawlad ka soo doogaysa dagaalo.
3. Wuxuu buugu u eegyahay inuu koobay dhamaan Dawladnimada iyo Awoodaheeda.



About admin